Emil Källström, af-hayeenka arrimmaha dhaqaalaha ee xisbiga Centerka.
Emil Källström, af-hayeenka arrimmaha dhaqaalaha ee xisbiga Centerka. sawir: Anders Wiklund/TT

Center-ka oo doonaya in la xadido xuquuqda ajaaniibta

Xisbiga Dhexe (Centerpartiet) ayaa soo jeediyay in ajaaniibta dalka ku cusub lagu adkeeyo xuquuqda ey u leeyihiin nidaamka hab-nolol-wadaagga (välfärdssystemet).

Si haddaba loo maareeyo howlaha is-dhex-galka soo-galootiga ee nolosha bulshada Sweden ayuu xisbiga Center-ku soo jeedinayaa ugu horreeyn in dib u eegis lagu sameeyo arrimmo ey ka mid yihiin gunnada damaanadda howl-gabka iyo dhaqaalaha uu qaato waalidka guryaha ku haya ilmaha.

Howlaha ugu waaweyn sannadaha foodda innagu soo haya ayaa ah sidii loo wejihi lahaa kharashka faraha ka sii baxaya. Midkaasina oo salka ku haya nidaamyo fara badan oo aan ku habboonayn xaaladda iminka lagu sugan yahay, sida uu sheegay Emil Källström, af-hayeenka arrimmaha dhaqaalaha ee xisbiga Center-ka oo u warramayay war-geeyska maalinlaha ee Dagens Nyheter.

Xisbiga Center-ka ayaa inta badan isku nisbeeya inuu yahay xisbi u dooda xuquuqda soo-galootiga, hase yeeshee aanu Emil Källström u arag in fikirkani ka hor-imanayo mabaadiida in ajnabiga lagu adkeeyo nidaamka hab-nolol-wanaagga dalka - välfärdssystemet.

Isha/ TT.

                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".