Påven i Sverige
Bob Franciskus oo soo gaaaray Sweden. sawir: Emil Langvad/TT

Bob Franciskus oo booqasho ku jooga Sweden

Boqaho taariikhi ah
1:56 min

Maanta oo isniin ah ayuu booqasho ku yimid dalka Sweden wadaadka ugu sarreeya madhabta katoolikada.

Bob Franciskus ayaa diyaarad siday maanta soo cago-dhigtay garoonka diyaaradaha magaalada Malmö. 27 sanno ayaa ka soo wareegtay markii waddanka Sweden uu booqasho ku yimaado wadaadka ugu sareeya kaniisadda katoliga. Bob Franciskus boqashada uu Sweden ku yimid waxay la xiriirtaa sidii loo weyneyn lahaa 500 sanno oo ka soo wareegtay markii ay ka dhax aloosantay khilaaf iyo kalo qeybsanaan madhabta katooliga iyo Lutherska.  

Bob Franciskus ayaa damaciisa yahay sidii u mideyn lahaa dhamaan ummaddaha heysta diinta masiixiga. Waxuuna ka qayb-geli doonaa duceysi iyo allebari lagu dhigi doono kaniisad ku taaala Lund oo ay wado-jir uga qayb-geli doonaan markii ugu horeysay taariikhda dad kalo heysta madhabta katooliga iyo Lutherska.

Bob Franciskus ayaa ku sugnaan doona dalka Sweden illaa iyo berito. 

 Bobka waxuu sidoo kale ka qayb-gali doonaa isku soo bax weyn oo lagu qaban doono garoonka ciyaaraha Malmö Arena.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".