Laba caruur iyo walidiintood ayaa ku dhintay dabka.
Laba caruur iyo walidiintood ayaa ku dhintay dabka. sawir: David HÃ¥rseth/TT

Reer ku gubtay gurigi ay ku noolaayeen

Baadhitaanka booliska oo weli la sugayo
0:33 min

Habeenimadii axadii ayuu guri ku yaala xaafada Romstad magaalada Karlstad gubtay, ayaa sababay in hooyo, aabo iyo labadoodi caruur u dhinteen dhaawacyo ka soo gaaray dabka.

Caruurtan ayaa labaduba ku jiray dugsiga xanaanada. Degmadda magaaladan ayaa hadda ku talo jira in ay caawimaad iyo taageero siiyaan macallimiinta iyo caruuraha dhigta dugsigan. Sidaas waxaa sheegtay Maria Kjällström oo ah agaasimaha iskuulada degmada Karlstad.

Booliska magaaladan ayaa hadda bilaabay baadhitaan wixii sababay dabkan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".