Snöoväder över Stockholm.
Barafkii ugu horeeyey oo Stockholm ka da'ay sannadkii hore sawir: BERTIL ERICSON

Cimilo Baraf wadata oo waddanka ku soo wajahan caawey

Weli hadaadan la soo baxinin jaakadda qabowga iyo koofiyadda armey hadda kuu ruuntay in la soo baxdo. Waxay u muuqataa in la gaaray xilligii barafka.

Waxaa laga digayaa cimilo baraf wadata in ay caawo waddanka oo dhan ku habsan doonto, gaar ahaan gobolka Dalarna ayey u muuqataa in baraf badan ka da'i doono. 

Heyadda SMHI ayaa ka soo saartay digniin heerka labaad ah degmooyinka kalo ah Mora, Orsa oo ku yaala gobolka Dalarna lana flayo caawey in ay cemilo baraf badan wadata haleesho. Waxaa la saadaalinayaa gobahan in uu ka da'i doono baraf lagu qiyaasayo 10 illa 20 centimeter.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".