Bob Fraciskus isaga oo hadal ka soo jeedinaya magaalada Malmö shalay.
Bob Fraciskus isaga oo hadal ka soo jeedinaya magaalada Malmö shalay. sawir: Emil Langvad/TT

Maalintii labaad ee booqashada Bob Franciskus

Staadiyaha Swedbank
1:19 min

Bob Franciskus ayaa maalintii labaad ee booqashada magaalada Malmö ku bilaabay saaka in u hadal ka soo jeediyo staadiyaha Swedbank ee magaaladan. Halkaas oo ay tiro gaadhsiisan labaatan kun oo qof iskugu yimaadeen si ay u dhageeystaan bob Franciskus.

-Waa maalin aanu weeligeeyn xasuusan doono dadka diinta masiixiga haysta, waana muhiim in aanu maanta halkan nimid, maanta oo ah maalintii Bob Franciskus ugu dambeeysay, ayey tiri Kristina oo sooro ama ah waxaa af-iswiidhishka lugu yidhaahdo nunna.

Hasayeeshe Bob Franciskus shalay booqashadiisa waxuu ku bilaabay in uu ka qeyb galo duceysi lagu dhigay kiniisada weeyn ee magaalada Lund. Dhacdadan ayaa aheyd tii ugu horreeysay oo ay madhabta katooliga iyo kuwa aaminsan lutherska si wadajir ah uga qeyb galaan allabari noocaan ah.

In kasta oo uu ra´iissal wasaare Stefan Löfven iyo badanka dadyowga Iswiidhan uu arkaan booqashada Bob Franciskus wax wanaagsan ayey jiraan dad dhaleecaynaya booqashada bob Francuskus. Taas oo xidhiidh la leh in u Bob Franciskus ka so horjeedo guurka dadka isku jinsiga ah ee nolosha wadaaga, af-qalaad lagu yiraahdo homosexuell.

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".