Delad bild: Pass och en gränskontroll på Kastrups flygplats.
Kontrolka xaduudaha Sweden oo saddex bilood lagu daray. sawir: Christine Olsson/TT, Johan Nilsson/TT.

Dowladda oo saddex bilood ku dartay kontorolka xaduudaha

Dowladda ayaa go’aansatay in ay saddex bilood ku darta inta ay soconeyso kontorolka dokumentiyada aqoonsi dadka saraan basaska, tareenada iyo doonayaha xaduudaha waddanka soo gala.

Go’aankan waxaa lagu gaaray kulan aan caadi aheyn oo golaha xukumadda yeesheen, sida wakaaladda wararka TT ka soo xigatay xoghaya wasiirka kaabyaasha dhaqaalaha.

Kontorolka xaduuddaha ay horey dowladda ugu soo rogtay ayaa ku eg afarta beshan november.

Isha: TT

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".