Margot Wallström (S)
Wasiirka arrimaha dibadda Margot Wallström (S) sawir: Jessica Gow/TT

Wallström oo Turkiga ka dalbatey siideynta siyaasiin ay xireen

Dibad baxyaal: Turki demokaraati kamo jirto
1:32 min

Waxyaalaha ka dhacaya dalka Turkigu walwal ayey leeyihiin sidaas waxaa sheegtey wasiirka arrimaha dibadda dalkan Iswiidhan margot Wallström.

Waxaana isla fikirkaas la qata Federica Mogherini oo ah madaxa arrimaha dibadda u qaabilsan ururka midowga Yurub.

Dalka Jarmalka ayaa isaguna dhankiisa walawal ka muujiyey xaalka dalka Turkiga.

Dhaliilahaan ayaa yimid ka dib markii dawladda turkigu ay xirxirtey siyaasiyiin ka tirsan xisbi mucaarad ah oo dalkaas Turkiga ka jira, laguna magacaabo HDP iyo waliba wariyayaal caan ah oo uu ka mid yahay tifaftirihii wargeyska Jamhuuriya ee dalka Turkiga ka soo baxa.

Wasiiradda arrimaha dibadda dalkaan Iswiidhan Margot Wallström ayaa iyadoo arrinkaas ka hadleysa waxa ay tiri:

- Waxaan fileynaa in dadkaas shacabku soo doortey la sii daayo.

Xarriga dadkaas loo geysteyna wuxuu sii xoojin karaa mucaaradkii horeyba dalkaas Turkiga uga jirey, ayey tiri wasiiradda arrimaha dibadda dalkaan Iswiidhan Margot Wallström

Wasiiradda arrimaha dibadda ayaa intaas ku sii dartey:

- Saxaafadda xorta ah iyo xisbiyada mucaaradku waa waxyaalaha shuruud u ah bulsho dimuqaraadiyad ah oo bulshadaas oo dhan ka dhaxeysa, markii kuwaas la badbaadin waayana bulshadaasi waxay ku socotaa mustaqbal mugdi ah, ayey tiri wasiiradda arrimaha dibadda dalkaan Iswiidhan Margot Wallström.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".