Bass ku soo socday Stockholm.
Bass ku soo socday Stockholm. sawir: Johan Nilsson / TT

Baraf faro badan oo ka dhacaya Stockholm

SMHI ayaa digniin bixisay
0:42 min

Baraf aan caadi ahin ayaa xalay iyo maanta ka dhacaya gobolka Stockholm. Tan ayaa saameeysay gaadiidka dad-weeynaha sida bassaska iyo tareemada ka baxaya amba ku soo socda Stockholm.

Sido kale ayey saameysay gawaadhida wadadda maraya. SMHI heeayadda saadaalinta hawada ayaa digniin ka bixisay magaalooyinka ku waajahan gobolka Stockholm, khaasatan wadooyinka gawaadhidu maraan oo lugu siibanayo.

Bass 1 ilaa 4 ee magaalada Stockholm ayaa hadda wakhtigii loogu talo galay ku socda kuwa kale waa la kansalgareeyay.

SMHI ayaa filaysa in barafku soo kordhi doono saacadaha fooda inugu soo haya.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".