Qaxootiga caafimaadkoodu liito.
Qaxootiga caafimaadkoodu liito. sawir: Lars Pehrsson / SvD / TT

Mashruuc ka hor tagaya qaxootiga qaba cudurada maskaxda

Taageero hadal ah
1:48 min

Taageerada qaxootiga laga siiyo cudurada maskaxda ayaa liita. Sidaas ayey u jeedaan ururka Läkare utan gränser oo dhowaan mashruuc ka hor tag ah ka bilaabay magaalada Götene.

–Badanka dadka wexeey moodayaan in shaqadeenu ku saabsan tahay dhaacawa la xidhiidha jidhka keliya, laakin mashruucan waxaanu xooga saarnay cudrada maskaxda ee aan ka muuqan shakhsiga markaad aragtid, hasayeeshe saameyn weeyn ku leh caafimaadka, ayey sheegtay Jenny Gustafsson oo mashruucan gacanta ku haysa.

Gustafsson ayaa doonaysa in xooga la saaro caafimaadka maskaxda ee dadkan.

–Xanuun weeyn oo jidhka ku saabsan ma qabaan, hasayeeshe ayey si aan caadi ahin uga jawaabayaan dhacdooyin la yaab leh amba aan anagu khatar u aragno, ayey sheegtay Jenny Gustafsson.

In tuulada Götene noqotay meeshi ugu horreeysay ee mashruucan lugu tijaabiyo ayaa xidhiidh la leh in degmadu yartay islamarkaas na qaabileen qaxooti faro badan wakhtigii ugu dambeeyay.

Kuwan ayaa la doonaya in taageero hadal la siiyo. Kuwa u baahan dhakhtar na loo gudbiyo ruugta caafimaadka ee degmada.

Hasayeeshe ayuu ururka Läkare utan gränser qorsheenayn in mashruucan lugu sii wado magaalooyinka kale ay qaxootigu ku badan-yihiin.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".