Qaxooti u soo tahriibaya Yurub.
Qaxooti u soo tahriibaya Yurub. sawir: Patrick Bar

Iswiidhan oo sii wadi doonta ka qeybqaadashada ilaalinta xeebaha Yurub

Iswiidhan oo sii wadi doonta ka qeybqaadashada ilaalinta xeebaha Yurub
1:02 min

Dalkaan Iswiidhan ayaa go’aansadey in ay sannad hor leh sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan ciidamada ilaaliya xuduudaha badda ee qaaradda Yurub.

Sidaasna waxaa sheegey wasiirka arrimaha gudaha dalkaan Iswiidhan Anders Ygeman.

Ciidamada Iswiidhishka ah ee ilaaliya xeebaha ayaa hawshoodu tahay in ay qeyb ka noqdaan ciidamada hoos yimaada hay’adda midowga Yurub u qaabilsan ilaalinta xeebaha qaaradda Yurub, kana hawlgala badda Midhitareeniyanka. Taas oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano Frontex.

Go’aankaas wasiirku ku dhawaaqey ayaa barrito lagu ansaxin doonaa shirka golaha wasiirada.

Wasiirka arrimaha gudaha dalkaan Iswiidhan Anders Ygeman oo arrinkaas ka hadlaya ayaa waxa uu yiri:

-Iswiidhan waxay rabtaa in ay hawshaas ka sii qeybqaadato sababtoo ah waa hawl dad naftooda lagu badbaadinayo, sababtaas ayaana ah taanu hadda u sii kordhiney muddada aan hawshaas ka qeybqaadaneyno. Ilaa intii hawshaas lagu jirey waxaa noloshooda la badbaadiyey dad qiyaastii gaaraya 10 000 oo qof, ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha dalkaan Iswiidhan Anders Ygeman.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".