Delmon Haffo och  Annika Strandhäll
Delmon Haffo iyo Annika Strandhäll sawir: Jessica Gow/TT

Siyaasi Modaraat-ka ah oo shaqada laga joojiyey ereyo cay ah oo ka soo yeertey ka dib

Delmon Haffo oo ah siyaasi ka tirsan xisbiga Moodaraat-ka ayaa shaqadii laga cayriyey ka dib markii uu dhilo ku sheegey wasiiradda caymiska bulshada Annika Strandhäll oo ka tirsan xisbiga Sooshaal demoquraadi-ga.

Shaqa ka joojinta siyaasigaan ayaa timid ka dib markii aaladda youtube-ka isagoo taageerayaasha xisbiga Modaraat-ka kala hadlaya aflagaadadaas u geystey wasiirka caymiska bulshada Annika Strandhäll.

Madaxda ugu sareysa ee xisbiga Modaraat-ka ayaa dhaleeceyn xoog leh u soo jeediyey ninkaas xisbigooda ka tirsan oo aflagaadeeyey wasiiradda, waxayna sheegeen in arrinkaasi yahay mid aan la aqbali karin.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".