Tirkoob

Taageerada xisbiyada ee xaafiiska SCB oo dhawaan la shaaciyey

Heerka ay mareyso taageerada xisbiyada
4:18 min

Baaritaan ay hey’adda qorsheynta qaranka dalkaan Iswiidhan (SCB) sameysey ayaa muujinaya in haddii bishaan November dalkaan Iswiidhan ay doorasho ka dhici laheyd ay xisbiyada isbaheystey ee hadda maamulka dalkaan hayaa (S+MP) heli lahaayeen codad dhan boqolka 33,7.

Meesha xisbiyada mucaaradka ee isbaheystey Alliansi-gu ( C+L+M+KD) heli lahaayeen 37,9 boqolkiiba, xisbiga Sverigedemoquraadi-guna heli lahaa boqolkiiba 17,5 , xisbiga Vänsterparti-guna 7,7 boqolkiiba ,meesha kuwo kala ay ka heli lahaayeen 3,2 boqolkiiba.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".