Viltskylt Riksväg 23-34, Foto: Peter Weyde, Sveriges Radio
Riksväg 23-34 som går från Motala i norr till Mönsterås och Malmö i söder är en av de mer viltolycksdrabbade vägarna. sawir: Peter Weyde

Shilalka baabuur ee haleela xayawaanka duurjoogta oo aad kor ugu kacey

Waxaa sanadkaan Iswiidhan aad u kordhey, gaareyna heer aan horey loo arag shilalka ay xayawaanka duurjoogta ahi kala kulmayaan wadooyinka.

Waxaana la qiyaasayaa in tirada xayawaan oo shilalkaas wax ku noqdey ilaa sanadkaan 2016-ka dhammaadkiisa,ay kor u dhaafi doonaan 50,000 oo shil.

Ilaa hadda shilalkii sanadkaan 2016-ka wadooyinka loogu geystey xayawaanka duurjoogta ah ayaa dhammaa 48,700, taas oo 300 ka badan marka la barbardhigo sanadkii 2015-kii.

Waxaa lagu qiyaasey in shan shil halkii saacba wadooyinka dalkaan Iswiidhan ku haleelaan xayawaan duurjoog ah khaasatan deerada.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".