Goobti lugu dilay labada ruux.
Goobti lugu dilay labada ruux. sawir: Warsame Elmi.

Laba ruux oo lugu dilay xaafada Rinkeby

"Waa sidii magaalada Chicago 1930:kii"
1:15 min

Habeenimadii jimcihii ayaa laba qof lagu toogtay madcam ku yaala xaafada Rinkeby ee magaalada Stockholm. Kuwan ayaa islamarkiiba ka dhintay dhaawacii halkaas ka soo gaadhay. Qof saddexaad ayaa isaguna ku dhaawacmay goobti lugu dilay labada qof.

-Waa xaalad khatar ah in ay xaafadani noqototay meel ay dembilayaashu iskugu yimaadaan dabeetana is toogtaan. Waa sidii magaalada Chicago ee Ameerika 1930:kii, ayuu sheegay Arne Johansson oo hogaamiya ururka Norra Järva Förtroenderåd.

Ururkan ayaa arbacada fooda inugu haysa xaafada Husby ka qabanaya shir ku saabsan sii loo joojin lahaa khatarta xaafadaha Järva.

Booliska ayaa hadda baadhaya sababta labadan nin loo dilay. Sido kale ayaa hadda la raadinaya laba ilaa saddex qof oo sida ay dadka xaafadan degani u maleenayaan ka dambeeyeen dhacdodan. Kuwan ayaa gaadhi cad ku baxsaday weli na la helin.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".