Cawad Xirsi, guddoomiyaha xaafadda Spånga/Tensta. Sawirle: Kenadid Mohamed/SR
Cawad Xirsi, guddoomiyaha xaafadda Spånga/Tensta. Sawirle: Kenadid Mohamed/SR

Awad Hersi: Dib ayaa sumcaddaydii loo soo celiyay

Guddoomiyihii hore ee xaafadaha Spånga-Tensta Awad Hersi oo la beeniyey dhaleecooyin horay loogu soo jeediyay.

Awad Hersi ayaa lagu eedeeyey inuu faraha la galay go’aammada cidda loo ogolaaneyo dhaqaalaha cayrta, hase yeeshee ay baaritaankii ka muuqan waayeen go’aammo arrimmahaa la xiriira oo faraha la galay howlahaa.

 

  • Eedeeymihii waa la iga dhaqay, sida uu sheegay Awad Hersi.

Muddadii lagu guda jiray xilligii dayrta ayuu wargeeyska Mitt i oo sheegay wareeysiyo uu la yeeshay, sida uu sheegay howl-wadeenno ku sheegeen inuu Awad Hersi oo waagaasi ahaa guddoomiyaha xaafadaha Spånga-Tensta uu culeeys ku saaray shaqaalaha xaafadda arrimmo khuseeya shakhsiyaad. Eedeeymahaasina oo dhaliyey in siyaasiyiin dhumuc ku leh xisbiga Miljöpartiet iyo duqa degmada Stockholm Karin Wanngård oo ka tir-san xisbiga Socialdemokraterna shuruudeeyeen inuu kursiga ka dego.

                                                              kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".