Maxado tareenada laga raaco
Maxado tareenada laga raaco sawir: Fredrik Sandberg/TT

Xisbi doonaya qiimadhismo tigidho

Sjöstedt: dadka waxay doorbidayaan tareenada
0:59 min

Jonas Sjöstedt oo ku taliyey in la maalgeliyo tareenada.

Gudoomihaya xisbiga bidixda, Jonas Sjöstedt,  ayaa soo jeediyey in dhamaan lacagta cashuurta ah ee ay dawladu qorshaynayso ina ay ku kordhiso tigidhada diyaaradaha loo isticmaalo qiimo dhimista tigidhada tareenada iyo hagaajinta wadooyinka tareenada.

- Waxan aragnaa in baahi weeyni ka jirto wadooyinka tareenada. Waxanan aaminsan nahay in hadii tareenadu yihiin casri dhakhso badan oo xiligii logu talagalay imanaya ay dadku doorbidayaan tareenka, ayuu yidhi Jonas sjöstedt.

Dhamaadkii nofeembar ayey ahayd markii ay dowladu ku talisey in 2018 la hirgeliyo cashuurta duulista. Laakiin xisbiyada laysku yidhaahdo Alliansen iyo xisbiga SD ayaa ka soo horjeeda cashuurtan oo ay aaminsan yihiin in shaqooyin badan lagu waayi doono.

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".