Dekedda Slite ee carriga Gotland.
Dekedda Slite ee carriga Gotland. sawir: Sawirle: Karl Melander/TT

Go’aan laga gaarey dekedda Slite inaan laga kireeyn Nordstream

Guddiga teknikada ee Gotland ayaa go’aan diidmo ah ka gaaray inaan dekedda Slite laga kireeyn shirkadda Nordstream.

- Waxaannu go’aan ku gaarney inaan la kireeyn dekedda Slite, middaasina oo ka dambeeysay kulankii dhowaantan aannu la yeelaney wasiirka arrimmaha dibadda iyo difaaca iyo war-bixintoodii la xiriirtay xaaladda ammaanka, sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga teknikada Tommy Gardell oo u warramay shirkadda wararka Sweden ee TT.

Gardell ayaa raali-gelin ka bixiyay in guddigu ku khasbanaaday inuu diidmo ku coddeeyo.

- Culeeys ayaa la dareemeyaa. Maadaama qandaraaskaasi wax wayn ugu fadhiyay dekedda Slite iyo gobolka guud ahaan. Waa mid laga xumaado inaan qandaraaskaa la helin. Middii ka horreeysay ee Nord Stream 1 waannu ku guuleeysanney, hase yeeshee iminka xaaladda ayuu is-bedel ku dhacay, sida uu sheegay Tommy Gardell.

Dhawaantan ayay ahayd kolkii ey badankood siyaasiyiinta Gotland isku raacsanaayeen iney in shirkadda Nord Stream laga kireeyo dekedda Slite, sidii ay shirkaddu ugu isticmaali lahayd kaydka tubbooyinka lagu talo jiro in badda la dhigo sidii loo soo marin lahaa gaas ka yimaada dalka Ruushka kuna wajahan dalka Jarmalka. Hase yeeshee kulankii maalintii salaasada ey wasiirka difaaca iyo arrimmaha dibaddu la yeesheen hoggaanka Gotland iyo Karlshamn ey ku war-geliyeen xaaladda difaaca iyo welwelka laga qabo, iyadoona dabadeed uu hoggaanka gobolka Gotland go’aansaday inuu dib uga laabto go’aan-qaadashadiisii hore. Maamulka Karlshamn ayaa go’aansaday in la qaboojiyo heshiiskii ey horay u wada gaareen shirkadda Nord Strean.

Isha/ TT.

                                                               kenadid.mohamed@sr.se

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".