Löfven, Madaxa dawladda Sweden.
Löfven oo ka faallooday go'aanka Cecilia Uddén, looga saaray dalka Suuriya.

Löfven: Waxay muujinaysaa inaan la doonayan xaqiiqda

Löfven: In carrigaa laga soo warramo ayaan la dooneyn
1:18 min

Madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven ayaa ku tilmaamay fal aan la qaadan karin in suxufiyadda idaacadda Sweden uga soo warranta carriga Bariga Dhexe laga joojiyay howlihii ay ka haysay dalka Suuriya, isla-markaana laga masaafuriyay dalkaasi, kadib markii ay hayadaha dalkaasi ku eedeeyeen inay baahisay warar been abuur ah.

Stefan Löfven, madaxa dawladda Sweden:

- Waa mid lala yaabo suxufi ku howlan sidii ay waajibaadkeeda u gudan lahayd. Middaasina waxay muujinaysaa in aan la doonayn in carrigaa laga soo warramo. Waa mid laga xumaado. Haddii uu shakhsi ku yiraahdo dan kale ayaad leedahayna waxay macnaheedu tahay ciddaa qudheeda ayaan doonayn in wararkaasi dibadda u soo baxaan, sida uu sheegay madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven oo u warramayay suxufiga idaacadda Sweden Johan Andersson mar uu ku sugnaa magaalada Brugseel oo uu ka socday shir-madaxeedkii hoggaamiyeyaasha waddammada ku bahoobay ururka Midowga Yurub EU.

Isha/ Ekot.

                                                                kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".