Stefan Ingves, guddoomiyaha bangiga qaranka.
Stefan Ingves, guddoomiyaha bangiga qaranka. sawir: Sawirle: Christine Olsson/TT

Bangiga qaranka oo aan ribada wax ka bedelin

Maamulka bangiga qaranka ayaa maanta ku dhawaaqay in aannu wax ka bedeli doonin heerka ribada oo gaarsii-san 0,5 boqolkiiba.

Sida uu sheegay maamulka bangigu iney jiraan astaamo ka soo hor-jeeda in sicir-bararku aannu gaari doonin 2%, ahna goolka uu bangigu hiigsanaayo, sidaa daraadeed aan is-bedel lagu sameeyn ribada.

Go’aanka bangiga ayaa ah mid la filayey in ribada halkeeda lo deeyn doono. Iyadoona uu maamulka bangigu saadaalinaayo in ribada wax laga bedeli doono horraanta sannadka 2018.

Hase yeeshee ay horay u dhacday inuu bagigu go’aannadiisa wax ka bedelo.

Isha/ Ekot.

                                                                  kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".