Vargrättegången.
Yey qof dishey oo daraadeed nin loo xukumey.

Nin madax ah oo Yey haweeney dishey darteed xukun loogu ridey

Madaxii hore ee beerta xayawaanada lagu xanaaneeyo ee ku taala Kolmården Mats Högren ayaa maxkamadi ku xukuntey in uu mas’uul ka ahaa weerarkii Yey-da ee ka dhacey beerta xayawaanada lagu xanaaneeyo ee ku taala Kolmården.

Maxkamadda ayaa ninkaas ku xukuntey ganaax lacageed oo maalmo mushaarkiisa ah iyo xarig dibad ku qaadasho ah taas oo macneheedu yahay in aan hadda xabsiga la dhigeyn laakiin haddiii wax danbi ah oo kale uu galo xabsi uu galayo.

Maxkamadda ayaa sidoo kale waxay ganaax dhan 3,5 milyan oo karoon ku xukuntey shirkaddi maamuleysey goobtaas maadama aysan buuxin shuruudihii hawshaas loogu idmadey.

Sanadkii 2012-kii ayey aheyd markii haweeney goobtaas ka shaqeyneysey ay bahalada Yey-du ku dileen.

Maxkamaddaan ayaa waxay socotey muddo todoba usbuuc ah.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".