Gawaadhi saf taagaan.
Gawaadhi saf taagaan. sawir: Nesvold, Jon Olav

Digniin ka jirta wadooyinka baabuurta

Heeyada gaadiidka, Trafikverket, ayaa soo saartay digniin la xidhiidhta wadooyinka babuurto marto. Sababta ayaa ah in ay maanta tahay 23 diseembar, maalinti ka horeeysay ciida  kristmaska waxaa af- iswiidhishka lugu yidhaahdo julafton.

Maalintan ayaa sannad walba ugu safar badan madama badanka dadku soo boqdaan qarabadooda.

-Khaasatan ayey gawaadhidu badanayaan galabta iyo caawa, ayuu sheegay Beisi Sundin oo qeeybta saxaafada u qaabilsan heeyada gadiidka ee Trafikverket.

Wuxuu kula tallinaya dadka safraya in ay si foojigan u maraan wadooyinka islamarkaas na masaafad fog u jiraan gawaadhida kale.

Dhanka kale ayey heeyadan soo gaadhay warbixin ah in waddooyinka ku yaala galbeedka Iswiidhan lugu siibanayo. Halkaas ayey 6 ilaa 7 gawaadhi ku siibteen intii u dhaxeeysay saaka iyo gelinkii hore, hasayeeshe jirin cid dhaawac khatar ah halkaas ka soo gaadhay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".