Qooyska reer boqor.
Qooyska reer boqor. sawir: Sawirle: Maja Suslin/TT

Sannadka 2016 iyo aqalka boqortooya Sweden

Aqalka boqortooyada Sweden ayaa sannadkan gabagabada ku jira ee 2016 aad loo hadal hayey.

Sannadkan 2016 ayey aqalka boqortooyada ku soo biireen laba amiir/amiirad, isla-markaana loo wal-qaley. Boqorka dalka ayaa sidoo kale 70-jirsadey. Halka ay boqoradda dalku u xafladeeysay 40-guurada kolkii loo caleema saarey iney dalkan boqorad ka noqoto.

Sida sannadka loo 2016 loo hadal hayey ayuu aqalka boqorku ahaa mid aad carrabka loogu hayey. 

Labadii bishii maarso ee 2016 ayuu gabadha dhaxalka boqortooyada leh u dhashay ilmaheedii labaad amiir Oscar. Sidii caadadu ahaydba sayga gabadha iska leh dhaxalka boqortooyada amiir Daniel ayaa saxaafadda la hadlay una soo bandhigay amiirka ku soo biiray aqalka boqortooyada.

Boqorka oo 70 jirsaday.

Muddo qiyaastii bil dabadeed, 19-kii abriil ayuu reer boqor ku soo biiray amiir hor leh – Alexander oo u dhashay amiir Carl Philip iyo sayaddiisa Sofia.

Isha/ TT.

                                                               kenadid.mohamed@sr.se

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".