Gabar xiiseeysa kubadda kolleyga.
Gabar xiiseeysa kubadda kolleyga. sawir: Foto: Fredrik Sandberg/TT

Dood ka aloosan kubbadda kolleyga ee hablaha

Astur: Hablaha yaryar ha ku dadaalaan ciyaaraha.
5:08 min

Astur Jaamac cilmi waxay ka mid ahayd hablihii qaranka kubbadda kollayga ee Soomaaliya intii uu dalkaasi lahaa dawlad jirta.

Dhowaantan rag wadaaddo isku sheega ayaa saxaafadda kaga dhawaaqay in aaney diintu u fasaxeyn iney ciyaarta kubbadda kolleyga ciyaaraan.

Astur Jaamac Cilmi muddadii ugu dambeeysay ku dhaqnayd Sweden in wadaaddada looga fadhiyo howlo ka ballaaran, haddii ey aqoonteeda leeyihiin inta ey ku mashquuli lahaayeen gabdho yar yar ee kubbad ciyaaraya:

Waddammada ey ka jiraan kala dambeeynta iyo maamul-wanaaggu waxey aad u qiimeeyaan caafimaadka iyo dar-yeelka dhallaanka. Halka dhallaanka iskuullada dhigtaa ey leeyihiin xiisado lagu baro ciyaaraha. Waa maxay haddaba faa’iidada ka dambeeysa ispoortiga. Astur Jaamac Cilmi iyo mar kale 

Kooxdii qaranka kubbada kolleyga hablaha ee Soomaaliya ayaa intii aanu dhicin dagaalka sokeeye waxay heer sare ka gaareen tartammada caalamiga ee waddammada Afrika, sida ay Astur Jaamac Cilmi noo sheegtay. Su’aal ahayd in arrimmaha maanta la hadal-hayo iney hablaha dhallaanku ciyaari karaan kubbadda koleyga ey waayadaa la soo gudboonaan jireen:

                                                              kenadid.mohamed@sr.se

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".