Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Kulan looga xaajoonayo joojinta lacagaha loo diro ururka Daacish

La daabacay onsdag 22 mars 2017 kl 10.01
Shir looga hadlayo joojinta lacagaha loo diro ururka Daacish
(1:47 min)
Margot Wallström (S), wasiirka arrimmaha dibadda Sweden.
Margot Wallström (S), wasiirka arrimmaha dibadda Sweden. sawir: Maja Suslin/TT

Maanta oo arbaca ah ayaa magaalada Washington ee caasumadda Mareykanka waxaa ka dhici doona shir caalami ah oo looga hadlayo dagaalka lagula jiro ururka Daacish ama IS.

Shirkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee heer caalami ah ee uu ka qeybqaato maamulka madaxweyne Trump-ka Mareykanka.

Wasiirka arrimaha dibadda dalkaan Sweden Margot Wallström ayaa rabta in aan ururkaas argagixisada ah looga hortagin oo kaliya hab ciidan.

Qiyaastii 60 wafdi oo ka kala socota dalalka adduunka, dalkaan Sweden-na uu ka mid yahay ayaa kulankaas ka qeybqaadanaya.

Dalalkaan oo ah gaashaanbuur caalami ah oo isu kaashatey la dagaalanka ururka Daacish ayaa waxaa hormuud u ah dalka Mareykanka.

Dalkaan Sweden ayaa dagaalka lagula jiro ururka Daacish waxay uga qeyb galeen ilaa iyo 35 askari oo imminka ku sugan dalka Ciraaq. Iyada oo dawladda dalku horay u sheegtay in la kordhin doono.

Margot Wallström ayaa sidoo kale sheegtey in dawladda dalkaan Sweden go'aansatey qorshe cusub oo ciidan ahaan, khaasatan dhanka waxbarashada lagu taageerayo dagaalka lagula jiro ururka Daacish, ayna dawladdu dhawaan qorshahaas horgeyn doonto baarlamaanka dalkaan Sweden. 

Margot Wallström ayaa qabta in la dagaalanka ururka Daacish aan lagu soo koobin oo kaliya dhanka ciidamada, waxayna tiri iyadoo arrinkaas ka hadleysa:

- Waa Muhiim in laga fakaro waxyaalihii lagu dhaqaaqi lahaa marka ciidan ahaan lagu jabiyo ururka Daacish, tusaale ahaan sidii daganaasho iyo dib u dhis loogu sameyn lahaa dalalka Ciraaq iyo Suuriya, ayey tiri wasiirka arrimaha dibadda dalkaan Sweden Margot Wallström.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".