Weriye Dawit Isaak.
Weriye Dawit Isaak. sawir: KALLE AHLSÉN/TT

Weriye Dawit Isaak oo maanta helay abaalmarinta ururka UNESCO

Xarig dheer: Dawit Isaak
1:09 min

Suxufiga iswiidhishka ee Dawit Isaak oo muddo 15 sannadood ah ku xidhnaa dalka Eriteriya ,iyadoo xiritaankiisa loo sababeeyey in uu wax ka qoray xaaladda dalku ku sugnaa, ayaa maanta helay abaalmarinta ururka UNESCO.

-Waa arrin wanaagsan in David Isaak loo aqoo aqoonsado shakhsiga sannadkan ku guulaystay abaalmarinta xorriyadda xagga saxaafadda,Waayo tani waxay ay keenaysaa in indhaha caalamku usoo jeestaan David Isaak oo muddo dheer ku xiran dalka Eritrea.

Ururka UNESCO ayaa sannad walba abaalmarintan u qeeybiya suxufiyiinta madaxa banaan ee noloshooda khatar u geliyay si ay ugasoo warramaan waddamada xirxiran ee ku jira xukunka keli-talisnimada.

Dawit Isaak waxa uu muddo 16 sanno ku dhow ku xidhan yahay xabsi ku yaala waddanka Eriteriya.

 

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".