Baskii la dhacay caruurta.
Baskii la dhacay caruurta. sawir: Nisse Schmidt/TT

Saddex ardey oo shil baabuur ku geeriyootey shalay

Caruur dhigta fasalka sideedaad
1:20 min

Shil aad u xun oo maalintii shaley ka dhacey wadada E45 ee Härjedalen ayaa waxaa ku dhintey saddex ilmood oo ardey ah, sida ay cadeeyeen ciidamada booliisku.

Subaxnimadii axadda ayey aheyd markii bas ay saaran yihiin  dad gaaraya 59 qof uu gadoomey, 52 qof oo dadkaas ka mid ah ayaa ahaa dhallaan da’ yar meesha 7 qofna ay ahaayeen dad waaweyn.

Saddex ka mid ah dhallaankii baskaas saarnaa ayaa shilkaas ku geeriyootey meesha 20 qofna la dhigey isbitaalada, shan qof oo  dhaawacaas ka mid ah ayaa dhaawacyada soo gaarey waxay yihiin kuwa aad iyo aad khatar u ah.

Ardeydaas basku la gadoomey ayaa dhiganayey fasalka 8-aad ee iskuulka Ängskolan oo ku yaala degmada Marks.

Reysal wasaaraha dalkaan Sweden Stefan Löfven ayaa ka tacsiyadeeyey geeridaas iyo shilka qabsadey ardeydaas safarka ku jirtey, wuxuuna yiri isagoo arrinkaas ka hadlaya:

-  Waxaan u tacsiyadeynayaa eheladii ay caruurtaasi ka geeriyootey, ardeydii saaxiibadood ahaa iyo dhammaan dadka dagen degmada Marks, ayuu yiri reysal wasaare Stefan Löfven.

Maanta oo isniin ah ayaa iskuulkii ardeydaasi dhigan jireen waxaa lagu qabanayaa kulan baroordiiq ah oo lagu xasuusanayo ardeydii shilkaas ku geeriyootey iyo kuwii ku dhaawacmey.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".