Shirkada SAAB ee magaalada Trollhättan ku taala.
Shirkada SAAB ee magaalada Trollhättan ku taala. sawir: Adam Ihse/TT

Madaxdii hore Shirkadda baabuurta Saab oo danbi lagu waayey

Maxkamadda Vänerborg ayaa maanta waxay sii deysey saddex qof oo horey madax uga ahaan jirey shirkadda Saab Automobile ee magaalada Trollhättan, ka dib markii lagu waayey dhammaan danbiyadii lagu soo oogey.

Saddex qof oo lagu kala magacaabo Jan Åke Jonsson oo ahaa madaxii shirkadda Saab Automobile ee Trollhättan, Kristina Grees oo waaxda sharciyada shirkaddaas u qaabilsaneyd iyo Victor Muller oo ahaa milkiilihii hore ee shirkaddaas ayaa dhammaantood waxaa horey loogu soo oogey danbiyo la xiriira musuqmaasuq iyo wax isdabamarin, balse maxkamadda ayaa hadda danbiyadaas ku weydey oo sii deysey.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".