Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

qof ku dhintay falkii argagaxiso ee Stockholm

La daabacay fredag 7 april 2017 kl 17.10
Stefan Löfven:"Waa fal argagaxiso"
(1:26 min)
Goobta uu weerarkani ka dhacay.
Goobta uu weerarkani ka dhacay. sawir: TT

Baabuur xamuul yar ayaa duqeeyay bulsho ku sugneeyd agagaarka dukaanka Åhlens oo ku yaala wadada ugu saxmadda iyo ganacsiga badan magaalada Stockholm ee Drottninggatan.
Ra´iisal wasaare Stefan Löfven ayaa sheegay in dhacdodani tahay fal argagaxiso.

Warbixinta ugu dambeeysa ayaa ah in ay saddex qofi ku dhinteen falkan argagaxiso islamarkaas na ay tiro gaadhaysa sideed qofi ku dhaawacmeen.

Sidaas daraadeed dadka goobahaas shilku ka dhacey rabey in ay aadaan waa in ay taxadar dhaaraad ah muujiyaan.

Booliska magaalada Stockholm ayaa dadka jooga goobaha u dhow Drottninggatan in ay ka fogaadaan.

Islamarkaas ayaa la joojiyay bassaska iyo tareemada magaaladan. Sido kale tunnelbana, tareenka mara dhulka hoostiisa.

-Warbixinta waxaa magaalada Stockholm ka dhacay dawladdu weey la socota, waan la socon doona marka ay wax cusub ku soo kordhaan, ayuu sheegay.

Cusbitaalada magaalada Stockholm ayaa diyaargarooygooda kor u qaaday.

Ta kale ayaa ah in dadka doonaya in ay teleefan u soo diraan magaalada Stockholm ku adagtahay in ay qaraabadooda la xidhiidhan. Sababta ayaa ah in dad badani isticmaalayaan leeynka teleefanka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".