Bannaan-bax loogu baroordiqayay falkii jimcadii ka dhacay magaalada Stockholm.
Bannaan-bax loogu baroordiqayay falkii jimcadii ka dhacay magaalada Stockholm. sawir: Adam Wrafter/SvD/TT

Xus baroor diiq ah oo shaley lagu qabtey bartamaha Stockholm

Baroor diiq shaley ka dhacdey bartamaha Stockholm
1:29 min

Dadweyne aad u farabadan ayaa maalintii shaley waxay isugu soo baxeen wadada Drottninggatan oo ah goobtii maalintii jimcaha uu ka dhacey falkii argagixisanimada lagu tuhunsanaa  ee ay ku dhinteen afar qof , ilaa iyo 15 qof oo kalana ay ku dhaawacmeen.

Dadka goobtaas isugu soo baxay ayaa xus baroor diiq ah u sameynayey dadkii goobtaas ku dhintey ama ku dhaawacmey, waxayna dadka halkaas isugu soo baxay ay goobtaas dhigayeen ubaxyo xusuus ah, waxaana xuskaas baroor diiqda ah loogu magac darey xusuustii jaceylka iyo gacaltooyada.

Khudbadihii goobtaas laga jeediyey ayaa waxaa loogu tacsiyadeeyey dadkii eheladoodu ay falkaas ku dhinteen ama ku dhaawacmeen.

Dadweynihii halkaas isugu soo baxay ayaa sidoo kale u mahadceliyey ciidamada booliska iyo shaqaalihii rugaha caafimaadka oo iyagu dowr lixaad leh ka qaatey markii falkaasi dhacey si ay dadweynaha u badbaadiyaan.

Damo Rasti oo ah qofkii soo diyaariyey xuskaas baroordiiqda ah ayaa wuxuu yiri isagoo goobtaas ka hadlaya sidan soo socota :

- Ha ogolaanina in naceybku indhaha ina tiro, ha ogolaanina in baqdintu raad nagu yeelato, waana in uusan arrinkaani naga hor istaagin damaceena ah in dalkeenu noqdo dalka adduunka ugu fiican , ayuu yiri Damo Rasti.

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".