Mid ka mid ah dadkii ku dhaawacmay falkii argagaxisnimo.
Mid ka mid ah dadkii ku dhaawacmay falkii argagaxisnimo. sawir: Tomas Oneborg/SvD/TT

Qof kale oo dhaawac ahaa ayaa isbitaalkii ka baxay

Qof kale oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmey falkii gaarigu dadka ku jiirey wadada Drottninggatan ayaa ka baxey isbitaalkii lagu daaweynayey.

Wali waxaa isbitaalada ku jira afar qof oo falkaas ku dhaawacantey, laba qof oo kuwaas ka mid ah ayaa xaaladdooda caafimaad tahay mid xun waxaana lagu daaweynayaa rugaha lagu daaweeyo dadka noloshooda caafimaad gaarsiisan tahay heer aad iyo aad khatar u ah.

Falkaas maalintii jimcaha gaariga dadka la dulmarsiiyey ayaa waxaa ku dhintey dad gaaraya ilaa iyo 4 qof waxaana ku dhaawacmey dad gaaraya 15 qof oo kale.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".