Foto: Skärmdump
Sawirkii : Skärmdump

Gaadiidkii marayey wadada E6 oo istaagey shil dhacey ka dib

Shil baabuur ayaa wuxuu ka dhacey wadada E6 ee isku xirta Himle iyo Tvååker halkaas oo ay laba gaari oo xamuul ahi isku dheceen.

Hey’adaha gurmadka ayaa sheegey in dhaawacyo culusi aysan shilkaas ka dhalan balse hakaduu  ku yimid gabi ahaanba gaadiidkii wadadaas marayey.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".