Jonas Andersson (L), ordförande för Västra Götalandsregionens hälso- och sjukvårdsstyrelse
Jonas Andersson (L), ordförande för Västra Götalandsregionens hälso- och sjukvårdsstyrelse. sawir: Claudio Bresciani/TT, Cecilia Bergil/Sveriges Radio

Culeys soo foodsaarey rugaha caafimaadka iyo takhaatiirta

Takhaatiirta iyo rugaha caafimaadka oo culeys soo foodsaarey
2:57 min

Rugaha caafimaadka dalka Sweden ayaa waxaa soo foodsaarey culeys aad iyo aad u xoog badan, ka dib markii takhhatiir badani ay jirooyin walwalka "Stress" la xiriira isku qoreen ama ay shaqooyinkiiba badasheen.

Sida ka muuqatay baaritaano uu 900 oo khabiirro takhaatiir ah ku sameeyey barnaamijka Kaliber ee ka baxa laanta P1 iyo laanta idaacadda P4 Östergötland.

Blerim Krapi ayaa isagoo arrinkaas ka hadlaya waxaa uu yiri:

Blerim Krapi oo ka hawlgala degmada Motala ayaa intii muddo ahba jiro ku qornaa, wuxuuna hadda ku soo laabtey shaqadii ka dib markii uu badashey goobtii shaqada ee uu ka shaqeyn jirey.

Baaritaankan ayaa muujiyey in qiyaastii kala bar takhaatiirta ka hawlgasha gobolka Östergötland ay waqtiya kooban shaqeeyan.

160 qof oo ka mid ah takhaatiirtaas 900 ah ee gobolkaas Östergötland ka hawlgasha ayaa iyagu jirooyin cudurka Stress-ka la xiriira ku qoran.

Tiradaan ayaa fajiciso iyo amakaag ku noqotey Ove Andersson oo ah ku xigeenka madaxa ururka takhaatiirta Sweden, wuxuuna yiri isagoo arrinkaas ka hadalaya:

Anders Henriksson waa ku xigeenka madaxa ururka shaqa bixiyayaasha degmooyinka iyo rugaha caafimaadka dalka Sweden, ururkaas oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano SKL, wuxuuna yiri isagoo arrinkan ka hadlaya:

-  Natiijadani waxaan qabaa in ay tahay mid khatar ah marka ay timaado sida takhaatiirtu shaqadooda u arkaan.

Anders Henriksson ayaa intaas ku darey in ururkoodu waxyaala badan ay ka qabteen sidii loo hagaajin lahaa jawiga shaqada takhaatiirta ee rugaha caafimaadka sida tusaale ahaan iyagoo tababarey takhaatiir dheeraad ah oo badan, balse waa in aan hawshayada sii laba jibaarnaa si buu yiri shaqooyinka rugaha caafimaadka laga qabtaa u soo jiitaan shaqaale badan iyo takhaatiirta intaba.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".