Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

SMHI oo ka digaysa barafka faraha badan

La daabacay tisdag 25 april 2017 kl 10.31
Baraf soo da´ay bisha aan ku jirno ee April.
Baraf soo da´ay bisha aan ku jirno ee April. sawir: Johan Nilsson/TT

Hayadda saadaalinta hawada SMHI ayaa ka digtay barafka qoyan ee hadda ka da´aya gobolka Gävleborg. Kaas oo hadda lagu qiimeeyay heerka labaad.

Barafka ka da’aayo gobolka Hälsingland ayaa la filaayaa in uu socdo maalinta oo dhan. Hayadda saadaalinta hawada SMHI ayaa ka digtay in barafka qooyan ee gobolka Gävleborg ka socda lagu qiimeeyey heerka labaad.

Baraf gaaraaya 10-15 sentimitir ayaa la filaayaa in uu da’o.

-Waxaa jirta halis ah in wadooyinka lagu siiban karo. Waxaa wanaagsan in taxadir weyn la muujiyo marka jawiga uu saan yahay , ayay tiri Sandra Andersson oo SMHI ka shaqeeysa.

Hayadda gaadiidka, Trafikverket, ayaa soo saartay digniin ku saabsan kuwa gadiidka dadweeynaha ka raaca gobolada Värmland iyo Gävleborg madama loo wada bedeshay shaagaga xagaaga, af- iswiidhish sommardäck. 

Digniintii hore loo iclaamiyay gobolada Värmland, Dalarna, Örebro, Västmanland iyo Uppsala ayaa weli taagan heerka koowaad.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".