Gacmo kompiyuuter wax ku qoraya.
Foto: Jessica Gow/TT.

Dhallaan bahdil iyo cay loogu geysto baraha aaldaha bulshada

Dhallaanka da’doodu u dhaxeyso toban jir ilaa lix iyo toban jir ayaa saddexdii qof oo dhallinyaradaas ka mid ahiba  wuxuu la kulmaa aflagaado iyo cay dhanka internet-ka loo soo marsiiyo , shan meelood oo meel gabdhaha da’ yarta ah ayaa iyagana waxaa baraha internet-ka loo soo marsiiyaa daandaansi iyo aflagaadooyin dhanka galmada la xiriira.

Sida lagu muujiyey warbixin sanadle ah oo aaladda internet-ka la xiriirta taas oo uu soo saarey urur lagu magacaabo Saaxiibo ”Friends”.

Hatice Demirtas waa ardayad dhigata dugsiga sare ee Solna waxayna tiri iyadoo arrinkaan ka hadleysa:

Waa sanadkii shanaad ee ururkaan Friends uu warbixintaas internet-ka la xiriirta soo saaro , waxayna wareysiyo kala duwan arrinkaas kala yeesheen dhallaan gaaraya 1001 ilmood oo da’doodu u dhaxeyso toban jir ilaa iyo lix iyo toban jir kuwaas oo cabirey fikirka ay ka qabaan internet-ka iyo waxyaalaha lagu soo qoro baraha kala duwan ee bulshadu adeegsato.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".