Qorrax guyeed.
Foto: TT

SMHI: Dhowaan waxaa iman kuleeylihii

Mar qorrax, mar baraf dhagax ah iyo mar uu baraf caadi ahi da’o. Gu’ga ayaa illaa hadda nagu casumay hawadii lagu yaqiiney bisha abriil oo ay maalin walba maalinta kale ka duwanayd. Hase yeeshee iminka kuleeylihii uu foodda innagu soo hayaa. Sol, hagel, och snö. Hittills har våren bjudit på klassiskt aprilväder och ena dagen har inte varit den andra lik. Men nu kommer värmen, enligt SMHI.

Horraantii abriil waxay hawadu ahayd ku dhowaad 20 digrii oo kuleeyle ah koonfurta Sweden. Kadib waxay gaartay naaqus qabow ah oo eber digrii ka hooseeysa, barafkiina wuxuu noqday. Laakiin maahan hawo aan looga baran bisha abriil.

– Subaxdii waxaa la xiran jaakadda qaboobaha iyada oo galabtiina lagu socon funaanad qali ah. Astaantaa waxaa lagu magacaabaa hawadii abriil, sida ay sheegtay Charlotta Eriksson, ahna saadaaliye hawada oo ka howl-gasha hayadda SMHI.

Haddase waxay u egtahay in maalmahan fasaxa ee foodda innagu soo haya aannu ku nasan doono hawo kulul.

Hawada abriil ayaan la filayn inay nala gasho bisha maajo - oo kuleeyle la saadaalineyo.

– Bilowga toddobaadka foodda innagu soo haya ayaa la filayaa in hawadu ka kululaato. Koonfurta dalka Sweden waxay noqon doontaa illaa iyo 15 digrii oo kuleeyle ah, halka waqooyiga ay noqon doonto illaa 10 digrii oo kuleeyl ah habeennaduna ka sii kululaadaan kolka horay loo sii galo bisha maajo, sida ay sheegtay Charlotta Eriksson oo ka howl-gasha hayadda saadaalinta SMHI.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".