Iswiidhishka Finland dagan oo qowmiyad yar loo aqoonsan rabo
La daabacay onsdag 3 maj 2017 kl 12.31

Kerstin Lundgren oo ka mid ah dadka u ololeeya xuquuqda dadka Iswiidhishka ah ee Finland ku nool. Sawirkii : Oskar Lodin / Sveriges Radio
Dadka afka Iswiidhishka ku hadla ee dagan dalka Finland ayaa intii muddo ahba waxay u halgamayeen sidii loogu aqoonsan lahaa qowmiyad laga tirabadan yahay oo la mid ah sida dadka Finishka ah ee dalkaan Sweden dagan.
Baarlamaanka dalkaan Sweden ayaa arbacada waxay u codeyn doonaan arrinkaas wixii laga yeeli lahaa.
Todoba ka mid ah siddeeda xisbi ee dalkaan ka jira ayaa baaritaano la sameeyey waxaa lagu ogaadey in ay ogolyihiin arrinkaas.
Sanadkii 2015-kii ayaa dawladda dalkaani waxay diidey in ay qowmiyad laga tira badan yahay u aqoonsato dadka Iswiidhishka ah ee ku nool dalka Finland.
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.