Jimmie Åkesson, hoggaamiyaha xisbiga SD.
Jimmie Åkesson, hoggaamiyaha xisbiga SD. sawir: Maja Suslin/TT

Hoggaamiyaha SD oo gurigiisa weerar loo geeystay xalay

Jimmie Åkesson oo gurigiisa la weerarey
1:28 min

Hoggaamiyaha xisbiga Sverigedemokraterna (SD) Jimmie Åkesson ayaa gurigiisa oo ku yaala nawaaxiga Sölvesborg la weerarey xalay fiid-kii saacaddu markay ahayd 21:00.

Ciidanka ammaanka ee nawaaxiga gobollada koonfureed ayaa saaka subax-nimadii u caddeeyay war-geeyska Expressen in ay dacwad ka soo gaartay shil ka dhacay cinwaanka uu ku qoran yahay hoggaamiyaha xisbiga Sverigedemokrati-ga, Jimmie Åkesson, hase yeeshee waxay ka gaabsadeen iney faallo intaas dhaafsii-san ka bixiyaan.

Dacwadda loo gudbiyay ciidanka ammaanka ayaa cinwaan looga dhigay dhibeeyn iyo dhaawac u geeysasho raasumaal aan guurin, sida uu sheegay Jimmy Modin oo ka howl-gala xarunta dhexe ee ciidanka ammaanka gobollada koonfureed isagoo u warramayay wakaaladda wararka Sweden ee TT.

Jimmy Modin ayaa waxaa ereyadiisa ka mid ahaa:

- Baaritaano dhacdadaas la xiriira ayaa hadda socda, wax intaas ka badana arrinkaan ka oranmayo. Waxaan maanta duhurka ka dib arki doonaa in baaritaanka arrinkaas loo gacangaliyo ciidamada sirdoonka dalkaan Sweden ee Säpo iyo in baaritaankaas aanu sii wadi doono annaga oo ah ciidanka ammaanka gobollada koonfureed, ayuu yiri Jimmy Modin oo ka tirsan ciidamada booliisku.

Ma jiraan cid wax ku noqotey falka ka dhacey gurigaas uu dagan yahay hogaamiyaha xisbiga Sverigedemoqoraadi-gu.   

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".