Peter Hultqvist
Wasiirka difaaca Sweden Peter Hultqvist. sawir: Anders Wiklund/TT

Maraykanka oo taagero u muujiyey Sweden

2:01 min

Wadoshaqeynta militeri ee Sweden iyo Maraykanka oo la ballanqaaday in ay halkeeda ka soo soconeyso.

Kulan dhexmaray shalay wasiirka difaaca Sweden Peter Hultqvist iyo dhiggiisa Mareykanka James Mattis ayaa Mareykanka u ballanqaaday Sweden taagero militeri haddii ay soo wajahdo colaad dagaal. Waana fartiin qalbiga u dejisay Sweden ayuu yeri Mats Eriksson oo Raadiyaha Sweden uga faalooda arrimaha amaanka.

– Dowladda Sweden dadaal badan ayey ku baxisay wadoshaqeyn dhow oo ay la yeelato Mareykanka, haddana waxaa Sweden u cadaaday in wadoshaqeynta labada dal ay weli halkeeda si wanaagsan uga sii soconeyso, ayuu yeri Mats Eriksson oo la hadlayey barnaamijka subaxii ka baxa Raadiyaha Sweden ee P1 morgon.

Waxaa jiray walaac laga qabay mowqifka Mareykanka ee la xiriira Sweden kadib markii madaxweyne dalka Maraykanka uu ka noqday Donald Trump kaas oo marar badan ku celceliyey in ururka Gaanshaabuurta Nato yahay mid gaboobay oo laga maarmo. Markii uu talada dalkas hayey madaxweynahii hore Barack Obama Maraykanka iyo Sweden waxay yeesheen wadoshaqeyn militeri oo duragsan balse wadoshaqeyntas ayaa mugdi soo galay markii maamulka cusub ee Mareykanka talada la wareegay.

Wadoshaqeynta militeri ee Mareykanka iyo Sweden waxaa ugu muhiimsan arrimo ay ka mid yahiin xagga tabobarada ciidamada, isdhaafsiga qalabka ciidan iyo weliba cilmibaarista dhanka difaaca.

– Sida difaaca Sweden u degsan yahay ayaa ah in haddii waddanka la soo weeraro ay Sweden gacanteeda isku difaacdo waqti balse kadib uu waddanka u baahan yahay hiil difaac. In hadda wasiirka difaaca Mareykanka uu taageeray hadalkii uu horey u yeri madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Bidden ee ahaa Sweden in ay tahay dhul aan marna lagu soo xad gudbi karin waa arrin aad muhim ah, ayuu yeri Mats Eriksson.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista