Mikael Ribbenvik oo loo magacaabay agaasimaha guud ee wakaaladda Socdaalka.
Mikael Ribbenvik, ku simihii wakaaladda Socdaalka oo ri rasmi ah loo magacaabay. sawir: Maja Suslin/TT

Mikael Ribbenvik oo noqday agaasimaha guud ee Socdaalka

2:07 min

Ku simihii madaxa wakaaladda socdaalka Mikael Ribbenvik oo da’diisu tahay 49, ayaa si rasmi ah loogu magacaabay inuu madax ka noqdo wakaaladda Socdaalka, sida uu dhowaantan shir-jaraa’id ku soo ban-dhigay wasiirka socdaalka iyo cadaaladda Morgan Johansson.

–Si dabacsanaani ku dheehan tahay ayaan u aqbalayaa jagadan la ii magacaabay, sida uu sheegay Miakel Ribbenvik.

Wasiirka cadaaladda iyo socdaalka Morgan Johansson ayaa farta ku fiiqay hab-howleedka wakaaladda socdaalka hor-yaalla: In hoos loo dhigo xiiliga jawaabta laga sugo dalabka magan-gelyo doon, la taago ammaanka cadaaladeed ee baarista, laga soo dhalaalo tarxiilka, laga guul gaaro saami siinta qaxootiga ee degmooyinka iyo howlaha wakaaladda dib u habeeyn lagu sameeyo.

-Mar haddii ay iminka hoos u dhacday tiradii soo-galootiga waa in jaakad ku filan la gashtaa. Waana howl aad u adag, sida uu sheegay Morgan Johansson.

Sidoo kale waxaa la magacaabi doonaa agaasime sare, hase yeeshee aan illaa hadda la ogeyn cidda jagadaa loo dhiibi doono.

Wixii ka dambeeyay septeembar ee sannadkii ina dhaafay oo uu ku dhawaaqay inuu jagada agaasimaha guud ee wakaaladda Socdaalka isaga degi doono Anders Danielsson ayuu kursigaasi si ku meel-gaar-nimo u sii hayay Mikael Ribbenvik oo xilkaasi iminka si rasmi ah loogu magacaabay.

–Iminka waxaannu ku soo noqoney xaalad caadi ah, sida uu sheegay Morgan Johansson intii lagu guda jirey shirka jaraa’id.

Kullankii golaha dawladda ee khamiistii ina dhaafaty ayaa lagu go’aamiyay Ribbenvik in loo dhiibo jagada agaasimaha guud ee wakaaladda socdaalka. 

Anders Danielsson ayaa jagadaa baneeyay, isagoona loo magacaabay jagada agaasimaha guud ee laan-khayrta Cas.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista