lastbilen som attackerades på Drottninggatan
Gaarigii dadla jooga wadada Drottninggatan la marsiiyey. Sawirkii : Tomas Oneborg/ TT sawir: Tomas Oneborg/SvD/TT

Maxkamadeynta falkii ka dhacey wadada Drottninggatan oo dib loo dhigey

Maxkamadeynta falkii Drottninggatan ka dhacey oo mar kale dib loo dhigey
1:09 min

Waqtiga ama xilliga danbiga lagu soo oogayo ninkii fuliyey dhacdadii argagixisada aheyd ee 7-dii bishii april ka dhacdey wadada Drottninggatan ee magaalada Stockholm ayaa mar kale dib loo dhigey, xeer ilaaliyaha dacwaddaas gacanta ku hayaana ma sheegin xilliga dhabta ah ee dacwaddaas la qaadi doono.

Xeer ilaaliye Hans-Jörgen Hanström ayaa isagoo arrinkaas ka hadlaya waxa uu yiri sidan soo socota:

- Wali baaritaano arrinkaas ku saabsan ayaa socda, waxaanuna ilaa hadda qaadney wareysiyo tira ahaan kor u dhaafaya 1 700 oo dhacdadaan la xiriira sidoo kale waxaanu marar badan wareysaney Rakhmat Akilov oo ah ninka falkaan danbi isagu ka danbeeyey , ayuu yiri Xeer ilaaliye Hans-Jörgen Hanström.

Dad gaaraya shan qof ayaa falkaas argagixiso lagu diley ka dib markii uu Akilov afduubey gaari xamuul ah uuna markaas ka dib dad joogey wadada Drottninggatan gaarigaas dusha ka marsiiyey.

Rakhmat Akilov ayaa falkaas uu geystey waxaa lagu tuhunsan yahay in uu ahaa fal argagixiso raad la leh.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".