Foto: Ulf Palm/TT
Sawirkii : Ulf Palm/TT sawir: Ulf Palm/TT

Nin u geeriyoodey dhaawac uu Madaxkuti soo gaarsiiyey

Nin xanaaneeya xayawaanka ayaa maanta dhaawac soo gaarey u dhintey ka dib markii madaxkuti (Björn) uu ku weerarey xarun duurjoogta lagu xanaaneeyo oo ku taala Orsa taas oo lagu magacaabo Rovdjurspark, sida uu sheegey talefishinka dalkaan Sweden ee SVT.

Madaxkutigaas ninka shaqaalaha ah diley ayaa markaas ka dib isla goobtii lagu diley.

Ciidamada booliiska oo goobtaas gaarey ayaa sheegey in ay dhacdadaas baaritaano ku sameynayaan maadaama ay tahay shil goob shaqo ka dhacey.

Booliiska ayaa wareysiyo kala duwan ka qaadi doona dadkii goobtaas ku sugnaa markii madaxkutigaasi uu ninka dhintey weerarey.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".