Tartanka adduunka ee ciyaaraha fudud 2017 oo London ka furmaya

Magaalada London ee carriga boqortooyada England ayaa waxaa maanta ka furmi doona tartanka adduunka ee ciyaaraha fudud kuwaas oo socon doona muddada u dhexeysa 4-ta ilaa iyo 13-ka bishaan ogoosto.

Daniel Ståhl oo ku tartamaya tuuryada culus ee af-iswiidhishka lagu yidhaahdo diskus ayaa ah rajada ugu weyn ee bilad dahab ah oo laga yaabo in uu dalkaan Sweden ciyaarahaas ka soo qaado haysto. Ninkan ayaa habeynka sabtidu soo geleyso tartami doona si uu ugu soo baxo tartanka final-ka. Ståhl ayaa sheegay in u soo bixiddiisa faynal-ku ay sahlanaan doonto.

-Maskax ahaan waxaan ahey mid aad u adadag ,waligeyna ima soo marin xilli aan markaan ka xoog badnaa, Hadda waxa kaliya ee aan ka shaqeynayaa waa dhanka farsamada, ayuu sheegay Daniel Ståhl.