Xeer-ilaaliye codsadey in xabsi daa’im lagu xukumo haweeney 42 jir ah iyo saaxiibkeed

Maanta waxaa la soo gabo-gabeynayaa maxkamadeynta ka dhanka ah haweeneydii 42 jir ah iyo saxiibkeeda oo ku eedeysan dilal ay ka geysteen Arboga sannadkii hore.

 Xeer ilaaliyaha dambiga ku soo oogey haweeney 42 jir ah iyo nin saaxiibkeed ah oo lagu soo eedeeyey in ay magaalada Arboga dil iyo isku day dil ka geysteen , ayaa maxkamaddii dambigooda qaadeysey  wuxuu maanta ka dalbadey in labadaas qof lagu xukumo xabsi daa’im.

Maxkamadda ayaa go’aanka ay labadaas qof ka gaartey wuxuu dhici doonaa bishaan Agoosto 21-keeda.