Dacwaddii Anders Borg oo la laalay

Wasiirkii hore ee dhaqaalaha ee xukumaddii Moderaterna Anders Borg oo hore dacwad looga gudbiyey ayaa maanta xeer-ilaalinta hoos u dhigtay dacwaddaas.

Anders Borg oo ahaa mid ka mid ah wasiiraddii ugu cuslaa ee xukumaddii uu hoggaamin jiray Fredrik Reinfeldt, Hadana shaqooyin sare ka hayey qaar ka mid ah shirkadaha ugu dhaqaalaha sareeya ee waddankan ayaa lagu tuhunsanaa in uu dhaqan xumo kucay xilli uu xaflad joogay.

Wargeeysyada Aftonbladet iyo Dagens Opinion ayaa markii ugu horeeysay qoray in Anders Borg oo joogay xaflad uu sakhraamay, ka dibna ku sheegay dumar dhilooyin, sidoo kalena u hanjabay qofkii ku casuumay xaflada. Waxa kale oo la sheegay in uu isqaawiyey, ragga kalena uu isku dayey in uu qabto xubna tarranka, sida ay wargeeysyadan ku warameen.

Borg waxa uu boggiisa Facebook ku qoray in uu ka qoomameeynayo wixii dhacay oo uuna ka bixinayo raaligelin. Balse arrintan ayaa dood ka dhalisay masrax siyaasaada, iyada oo keentay Borg in uu iska casilo xilal uu ka hayey maamulka sare shirkado badan.

Booliska ayaa in kasta oo anay jirin cid ka soo dacwootay Borg hadana bilaabay in ay baadhitaan ku sameeyaan dhacdadan. Hayeeshee maanta ayaa xeer-ilaaliyahii gacanta ku hayey dacwaddaan sheegay in ay laabayaan dacwaddan, sababta oo ah waxan jirin cid ka dacwoonaysa Borg, sida uu sheegay Mats Eriksson oo hogaaminayey kooxda baadhitanka sameeynaysey.

somali@sverigesradio.se