Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Det brinner i en industrilokal. Giftig rök sprider sig österut mot Giraffens köpcentrum. Alla som befinner sig i området bör bege sig därifrån. Boende i området uppmanas att gå inomhus och stänga dörrar, fönster och ventilation. För mer information lyssna på Sveriges Radio P4 Kalmar.
(Publicerat idag kl 17.16)

Suxufiyad iswiidhish ah oo weli baadi goob loogu jiro

La daabacay måndag 14 augusti 2017 kl 11.08
Danska kriminaltekniker undersöker ubåt
Dembibaariyaal Danihs ah oo baarya gusjiska laga soo baxiyey biyaha. sawir: Johan Nilsson/TT

Weli waxaa la raadinayaa saaxaafiyed Iswiidhish ah oo dad ugu war dambaysay khamiistii la soo dhaafay. Nin 46 jir daanish ah oo sameeya gujisyada biyaha hoostooda mara ayaa loo xiray tuhun ah in uu ka dambeeyay.

Haweeneyda iswiidhishka weriyaha ah ayaa ku nooleyd dalka Danmark, markii dad ugu war dambaysay waxa ay la joogtay ninkan daanishka ah si ay warbaxin uga samayso dooni gujiska biyaha hoostooda mara ee uu sameeyey.

Ciidamaada gurmadka ee Danmark ayaa dowladda Sweden ka dalbaday in haweeneyda meydkeeda ay ka raadiyaan biyaha Sweden, sida uu xaqiijiyey Christer Ekeroth oo ka tirsan ciidamada gurmadka Danmarka laantooda biyaha iyo hawada.

- Way jirtaa in aan dalbanay ogalaansho ah in aan ka baarno biyaha Sweden, ayuu yiri.

Ninka lagu tuhmayo in uu qaarajiyey haweeneyda ayaa sheegay inuu gusjiskiisu badda ku dagay balse ay haweeneydaasi inta uusan gusjiska degin birriga ku dajiyey.

Maalinimadii axadda oo dhan ayaa lagu hayey baadi goob haweeneyda saxaafiyadda ah ee la la'yahay. Diyaarado iyo doonyo laga leeyahay Danmark iyo Sweden ayaa ka baadi goobayay biyaha Danmarka, iyada oo markii dambe badda laga soo dhex haley gusjiskii balse aan laga dhex helin haweeneyda la raadinayey.

Boliiska Danmark ayaa sheegay in ay ku tuhmayaan ninka 46 jirka ah inuu si ku talogal ah uu badda u laqsiiyey gujiskiisa ayna waxba ka jirin war uu sheegay jimacahii oo ahaa in gusjiskiisu degay ka gadaal cilad farsamo oo la soo gudboonaatay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".