En lärare undervisar en klass med högstadieelever (årskurs 8) i Sofia skola
Cashar loo dhigayo ardey dhigata fasalka sideedaad. sawir: JESSICA GOW / TT

Xisbiyada xagjirka ah oo laga mamnuucayo iskuulada Sweden

Hindise sharciyeed howlsha u sahl doona maamulayaasha iskuulada
1:42 min

Xukumadda ayaa la filayaa in ay soo dhigto hindise sharci oo lagu talayo galay sida iskuulada u maarayn karaan xisbiyada siyaasadeed ee booqashada ku taga iskuulada.

Qoral hor u dhaca ah hindisahan ayaa waxaa ku jira qodobo xasaasi ah oo ka horimaan kara dastuurka dalka.

Wasiirka dugsiga sare iyo kor u qaadida taliinta Anna Ekström (S) ayaa doneysa in la hirgeliyo sharci cusub ka hor intan doorashada la gaarin, iyada oo ay dhawaan xukumadda soo saari doonto hindise sharciyeed arrintan quseeya.

– Si isdabojoog ah aya howlsha uga socotaa madaxtooyada, dhawaan waxa soo baxi doona hindise sharciyeed kaas oo maamulayaasha iskuulada u sahli doona howlshooda markii iskuulka lagu marti qaado xisbi, ayey tiri.

Hindisehaan sharci oo laanta Ekot aqrisatay hor u dhaciisa waxaa ku jiran qodobo xaasaasi ah oo ka horimaan kara dastuurka. Xukumadda ayaa doonaysa in maamulayaasha iskuulka fursad u siiso in ay xisbiyada qaarkood u diidan booqashada iskuulka.

Doorashadii baarlamaan ee la soo dhaafay ayey iskuula badan dhibaato kala soo godboonaantay sida ay u maarayn lahaayeen xisbiyada siyaasadeed ee doonayey iskuulada in ay soo booqdaan. Sida uu hadda sharciga u dhigan yahay ayaa ka hor istaagaysa iskuulada in ay maya yiraahda xisbiyada xagjirka ah haddii iskuulka uu marti qaado xisbi kale.

Cabsi ay iskuulada ka qabaan qalad in ay sameeyaan ayaa kaliftay in qaarkood aysan marti qaadin xisbi siyaasadeed.  

Xukumaddii Alliansen ayaa bilowday wax ka baddelka sharciga iyadoo howlsha ay kala sii wareegtay xukumadda hadda ee casaan-caagaarka.

Xeel-dheerayaal ayaa sannadyo badan ku doodayey in sharci noocaan ah uu ka horimaanayo mabda’a dhexdhaaxaadnimada oo ah qayb ka mid ah dasturuka dalka. Fikradda noocaas ah waxaa aaminsan hey’adda justitieombudsmanen JO oo ilaalinta sharciga u qaabilsan baarlamaanka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".