ristdemokraternas partiledare Ebba Busch Thor
Hoggaamiyaha KD Ebba Busch Thor oo maanta shaacisay in ay uga baxahayaan wadahadalada arrimaha difaacaa xukumada, M iyo C. sawir: Jonas Ekstromer/TT

Xisbiga KD oo ka kacay kursigii wadahadalkii siyaasadda difaaca

Xisbiga Kristdemokraterna ayaa maanta shaaciyey in ay uga baxeen wadahadalkii xukumadda iyo M iyo C ee ku saabsanaa dhaqaale dheeraad oo lagu kordhiyo wasaaradda difaaca, sida ay sheegtay hoggaamiyaha xisbiga KD Ebba Busch Thor.

-Fikirrada aannu kala qabno waxaa u dhexeeya anaga iyo xukuumadda dhaqaale balaayiin gaaraya. Aad ayaan u kala fognahay, ayey Busch Thor ku micneysay sababta ay uga baxeen wadahadalka.

KD ayaa aaminsan in loo baahan yahay in wasaaradda difaaca lagu kordhiyo saddexda sano ee foodda innagu soo haya toban bilyan si loo xoojiyo tayada difaaca .

-Waxay rajadeenu aheyd xukumadda in ay xagaagan dhaqaalaha u kordhin doonto difaaca, ayey tiri Busch Thor oo intaas raacisay in aysan wadahadal la sii wadi karin xukmaddala.

-Waxa aan wajahaynaa xaalad amaan iyo xasarad badan oo Ruushku ka dambeeyo, ayey tiri Ebba Busch Thor.

Isha: TT

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".