Hogaamiyaasha xisbiyada mucaaradka. Annie Lööf(C) Anna Kinberg Batra(M) Ebba Busch Thor(KD) iyo jan Björklund(L)
Hogaamiyaasha xisbiyada mucaaradka. Annie Lööf(C) Anna Kinberg Batra(M) Ebba Busch Thor(KD) iyo jan Björklund(L) sawir: Vilhelm Stokstad/TT

Alliansen oo soo bandhigay nidaam shaqo oo ey ku mideeysan yihiin

Shir saxaafadeed
1:32 min

Dhowaan ayey hogaamiyaasha xisbiyada mucaaradka ee Alliansen shir saxaafadeed ku shaaciyeen hindise cusub ,oo sida ay iyagu u jeedaan, u fududeeynaya qaxootiga waddanka ku cusub iyo dhalinyarada aan gaadhin da´da 23 in ay suuqa shaqada soo galaan.

Shuruuda lagu xidhayo qofka ayaa ah in aanu hore uga soo bixin dugsiga sare ee gymnasiet.

Saddexda sannadood ee ugu horeeya ayaa shaqobixiyaha laga joojinayaa canshuurta ay ka bixiyaan shaqaalaha. Taas ayaa sida ay xisbiyadani sheegeen keeni karta natiijada in dad badan laga shaqaaleeysiiyo.

Hogaamiyaha xisbiga Moderaterna Anna Kinberg Batra ayaa shirkan ka sheegtay in goolku yahay in hoos loo dhigo farqiqa shaqo l´aanta, 100.000 oo qof.

 -Waa in aan farqigan hoos aanu u dhigno, ayey sheegtay hogaamiyaha xisbiga Moderaterna Anna Kinberg Batra.

Sido kale ayey filaysaa in hindisahani, hadii la dhabeeyo abuuri karo in u dhaxeeysa 25.000 ilaa 40.000 oo shaqoyin cusub.

Kharashka ku bixi lahaa qorshahan ayaa gaadhiaya 1,8 bilyan oo koroon.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".