Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Lix bilyan oo lagu maalgelin doono difaaca dalkan

La daabacay onsdag 16 augusti 2017 kl 11.19
2,7 bilyan sannadkii
1:57 min
Lix bilyan oo koroon ayaa lagu maalgelin karaa difaaca dalkan.
Lix bilyan oo koroon ayaa lagu maalgelin karaa difaaca dalkan. sawir: Pontus Lundahl/TT

Dawladda iyo xisbiyada Moderaterna iyo Centerpartiet ayaa heshiis cusub oo ku saabsan difaaca dalkan gaadhay.

Dawladda iyo xisbiyada Moderaterna iyo Centerpartiet ayaa heshiis cusub oo ku saabsan difaaca dalkan maanta gaadhay.

Sidaas ayey dhowaan ka sheegeen shir saxaafadeed.

Heshiiskan ayaa ka dhigan in lacag gaadhaysa lix bilyan oo koroon lagu maalgelin doono difaaca saddexda sannadood ee fooda inugu haya.

Sababta heshiiskan loo gaadhay ayaa xidhiidh la leh in ay ciidamada qalabta dalkan ee Försvarsmakten loo yaqaano wakhtii dheer uga cabaneeyeen in aaney haysan lacag ku filan shaqada ay bulshada u hayaan.

Sida aanu hore idinla socodsiinay ayey xisbiga Kristdemokraterna uga baxeen wadahadalada difaaca dalkan. Hasayeeshe ayey hadda dawladdu la heshiisay xisbiyada Moderaterna iyo Centerpartiet in lix bilyan oo dheeraad ah lagu maalgeliyo ciidamada qalabka ee Försvarsmakten.

Heshiiskan ayaa tusaya in ay dawladdu aqbashay shuruuda xisbiga Moderaterna oo aheeyd in lacag dheeraad ah la siiyo ciidamada qalabka dalkan.

Wasiirka difaaca dalkan Peter Hultqvist ayaa fikirkiisa ka dhiibanaya heshiiska cusub.

-Waxaan donayna in aan awooda difaaca kor u qaadno.Aad ayey muhiim u tahay in aanu hadda lacagtan ku maalgelinayno ciidamada qalabka. Sido kale ayaan lacag gaadhaysa 1,3 bilyan oo koroon ku taageerayna difaaca bulshadda ”Civilförsvar”

Lixdan bilyan ayaa lagu kala qeeybinaya saddex sannadood. Taas ayaa ka dhigan in difaaca la siin doono 2,7 bilyan koroon oo dheeraad ah sannad walba ilaa 2020.

 

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".