Mudaharaadka suuqa Mynttorget ee magaalada Stockholm.
Mudaharaadka suuqa Mynttorget ee magaalada Stockholm. sawir: Christine Olsson/TT

Dib u celinta Afqaaniyiinta oo halkeedi ka socon doonta

Mudaharaadka suuqa Mynttorget
1:22 min

Dawladda ayaa sheegtay in aaney surtogal ahin in la joojiyo dib u celinta Afqaaniyiinta.

Sidaa aanu hore idinla socodsiinay ayey beryahaan boqolaal dhalaan oo ka yimid dalka Afqaanistaan ku mudaharaadayeen badhtamaha suuqa Mynttoret ee magaalada Stockholm si loo joojiyo dib u celinta Afqaaniyiinta.

Hasayeeshe ayey Helene Fritzon wasiirada socdaalka saaka ka sheegtay barnaamijka P1 morgon in aaney macquul ahin in la joojiyo dib u celintan.

-Qof kasta oo sharci ka dalbada dalkan waxaa la marsiiya sharciga u yaala Iswiidhan. Go´aanka in uu qofkaasii joogayo amba waddankiisa lagu celinayo waxaa iska leh heeyada socdaalka ee Migrationsverket, ayey sheegtay Helene Fritzon wasiirada cusub ee socdaalka.

Fatemeh Khavari oo ka hawlgasha ururka ”Ung i Sverige” ayaa ka mid ah dadka ka qeeyb galay mudaharaadkan. Wexeey sheegtay in aaney qeeybsaneeyn fikirka wasiirada socdaalka madama amniga dalkan hoos u degay beryihii ugu dambeeyay. Sidaas daraadeed ayey dawladda kula tallinaysa in la joojiyo dib u celinta Afqaaniyiinta, ayey sheegtay

2015 ayey tiro gaadhsiisan 40.000 caruuro,kelinimo ku yimid dalkan, sharci codsadeen . Boqolkii ba 45 ka mid ah kuwan ayaa la siiyay sharci.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".